Bacary Sagna “Bixitaanka Van Persie waan filaynay laakiin kan Alex Song waxa uu ahaa….”
by Laasqoray Media / on September 06, 2012 at 2:02 pm
Garoowe (LM) Daafaca kooxda Arsenal ee haatan
qaabka dhaawaca garoomada uga maqan Bacary Sagna ayaa arin uusan ku
farxin ku tilmaamay in xagaagaan ay kooxda mar qura ka tagaan laba ciyaaryahan
oo lafdhabar u ahaa.
Sagna ayaa sheegay in kani uu ahaa
xagaa kale oo Gunners aan xisaabta ugu jirun maadaama ay lumisay laba
ciyaaryahan oo muhiim u ahaa naadiga,waxa uuna sheegay in shaqsia ahan isaga
uusan taas filayn.
Bacary Sagna ayaa tilmaamay in ka
tagitaankii Robin van Persie iyoAlex Song mar qura ay ahayd kuwa aan
macno naadiga u keenin laakiin loo baahnaa in naadigu dadaal sameeyaan.
xiddigaan oo ku maqan dhaawac jab ah
oo kasoo gaaray Lugta ayaa laga yaabaa in uu dhawaan garoomada kusoo laabto
gaar ahaan bilowka bisha Soo aadan.
Sagna ayaa qaba in Arsenal ay ceeb
ku ahayd in ka hor bilowkii xili ciyaareedka ay hal mar lumiso laba ciyaaryahan
oo ka mid ah wiilasha naadiga ugu fiican.
“Qof walbaa waxaa laga yaabay in uu
filayay in Robin Van Persie uu kooxda ka tagi karay,laakiin Alex Song
maya,taasi waxa ay ahayd layaab mar qura aan aragnay.run ahaantii ma fahmaayo
anigu arintaasi gabi ahaanba,waa beer darayn wayn oo kooxda ku dhacday”
“kolka aad u jeedid in laba ka mid
ah ciyaaryahanaada ugu fiican ay xili ciyaareedkii hore kaa tageen,waxa aad is
waydiinaysaa dhawr su’aal,waan fahmi karaa waxa ay taageerayaashu u
kacsanyihiin”