Kulan lagu taageerayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ooo Dubai ka dhacay (Warbixin + Sawiro).   |   Tahniyad Meher Deqa Cisman Cali Guul iyo Abdi Rashiid Cumar Sahal   |   Tirakoobka Puntland & Dulmiga lagu wado reer Maakhir (Maqaal)   |   Xukuumada Puntland oo ku amartay Gen. Samatar inuusan wax Tikniko ah ku dhex wadan karin Bosaso (Akhri Wareegto).   |   Xusuuso Taariikhda: Bilowgii Hawlgalkii ‘Rajo Soo Celinta Soomaaliya’ Iyo Dhammaadkiisii (1993-1994)   |   Dastuurka Cusub ee Masar oo 15 December Afti loo Qaadayo   |   U Coday Cayaaryahanka Afrika ee BBC ee 2012 uga coday Laasqoray Media   |   Tirinta codadka doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Somaliland oo weli socota.   |   Madaxweynaha Puntland oo maanta booqday Dekeda Boosaaso.   |   Mudane Madaxweyne Mahadsanid (Jawaab celin Hawlgalkii Xukuumadda Puntland ee Gobolada Sanaag & Hayland).   |  

Haduu dhanbaalkaygu gaaro madaxwaynaha waxaan usheegi lahaa!.


by JAABIR XUSEEN GAACAYTE / on September 13, 2012 at 11:33 am

Waxaan ku bilaabayaa Eebe wayne magacii naxariis iyo nabadgalyo Nabi Maxammad korkiisa ha ahaato intaa ka gadaal.

Afeef: Qoraalkaan wuxuu ka turjumayaa ku dhiiranaanta inaan guto waajibkayga shareecadu isiisay ee ah in loo naseexeeyo madaxda.

Dhanbaalkani muxuu yahay!.

Dhanbaalkaygan waxaan u dirayaa madaxwaynaha Mudane Xasan Sh Maxammuud ee anaga noocusub laakiin qadarta ilaahay laga qoray intaan la uumin khalaaiqda ama makhluuqaadka. Waxaan u adeegsaday anaga noocusub waa inaan ogaysiiyo asbuucii hore inuu ahaa shaqsi kamid ah shacabka Soomaaliyeed, haday ogaan lahaayeen dad badani ay isku dayilahaayeen inay horay usii dilaan,laakiin Rabbigeen swc wuxuu qadaray intaas oo sano ayaad nagu dhexnoolayd dadkana kaama aanan aqoonin, adiga laftaaduna maadan ogayn inaad madaxwaynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya tahay. taas ayaa igu ka liftay inaan ereygaas adeegsado iyo waliba waxa uu xanbaarsan yahay eraygani oo ah " Annaga noocusub laakiin ilaahay agtiisa laga qoray marhore".  qoraalkaygu wuxuu ahaan doonaa Sadexdan qodob ee soo socda.

·         Maxadwayne maxaa laguu doortay.

·         Ilaahay muxuu xukunka kuugu dhiibay.

·         Hadaad gudanwaydo waajibkaaga maxaa dhicidoona.

Maxadwayne maxaa laguu doortay?

Waxaa hubaal ah Hooyada geedka hoostiisa harsanaysa ee biyalaaantu hayso kolalka qaar iyo Hooyada Aqal kashkaashan dhexdiis joogta inay kuuwada hanwayn yihiin. hadaad ka dhabayso wadadii toosnayd ee aad kasheegtay Golaha shacabka dhexdiisa ducadooda ayaad helaysaa, waxaad kaloo helaysaa garabkooda, waxaad helaysaa damiir iyo dadnimadooda.

Maanso aan tiriyay 13-07-2012 qaybteeda u danbaysa ayaan ku sheegay shaqsiga soomaaligaa ruuxa uu dooran lahaa, waxaaka mid ahaa meerisyadaan.

Agoostana waxaansugi

Aqoonyahan dulqaadiyo

Aqli buuxa haystoo

Aayadaha quraankiyo

Axaadiista nabigana

Adeecoo aan baalmarin

Aqal noo unkaayoo

Ardaa naga cufeeyoo

Aburaaya weelkoo

Godimaha afeeyoo

Dhaan aroorinaayoo

Awrta rari yaqaanaa

Eebbe aan ka tuugoo

Agoomuhu sugaayaan

Albaabada inuu furo

Aamiin allahayoow

Aamiin allahayoow

 

Ilaahay muxuu xukunka kuusiiyay.

Waxaa marag madoonto ah in Allaah swc uu xukunkan kuugu dhiibay inaad raacdo wadadii Nabi Maxammed csw oo uu raali kayahay Rabbigeen.  wadadaas waxaa ku sugan waxyaabo dunida maanta aan laga aqoon, waxaana ka mid ah. Cadaalad, sinaan dadka dhexdiisa ah oo aan lakala sarayn, ehelkaaga iyo shabackaagu inay u sinaadaan xuquuqda.  Waxaa iyana hubaal ah inaad gashay imtixaan lagaana doonayo dadka oo idil inaad ku xirto Rabbigood kuna dhaqdo shareecada Islaamka. intaa hadii aad latimaado waxaa kaadhacaya dunida intaad saaran tahay waajibkii ku raacay maalinkii aanu kudooranay laakiin Rabbigeen xagiisa khalaaiqda oo aan la uumin laguuqoray. Waxaana tusaale aad ka dhigataa kuwii adigga kaa horeeyay ee mulkiga Rabbigeed la doonay sidaad waa nabi Sulayman cs iyo nabi Yuusuf cs. tusaale ka dhowse aan kusoo xasuusiyo sida Abu-bakar rc, Cumar , Cuthman, Cali iyo waliba Cumar binu-Cabdicaziiz.

Hadaad gudanwaydo waajibkaaga maxaa dhicidoona.

Sida Rabbigeen swc inooku cadeeyay Quraanka kariimka ah tusaalooyin badan dad uu mulki siiyay waxayna u qayb sameen laboqaybood. Duul ama qoom ku mahadiyay xukunka uu siiyay iyo imtixaanka la imtixaanay oo dabadeed la yimi wixii waajibkoodu ahaa. amaba aan oran karno shaqadoodii guri ee fasalada dunida lagasiiyay ayna macalimiinta ka yihiin Nabi Maxammed csw iyo Ibliis ama Shaydaan. qolada mahadiyay Rabbigood waxay raaceen fasalka Nabi Maxammed csw wayna ku liibaaneen aduun iyo aakhiraba. Laakiin hadii Illaahay kaama yeeloe aad casharka ka qaadato fasalka uu dhigo shaydaan, waxaad bishaaraysataa inaad khasaartay aduun iyo aakhiraba tusaalena waxaa u ah. Inta Quraanka inooga sheekeeyay ee Fircoon lahaa iyo Qaaruun. amaba aan tusaale dhoow kusoo xasuusiyoe Qadaafi lahaa iyo Mubaarak oo sida hada ka muuqata toobadkeenay laakiin Aaaaaaway mulkigii iyo qasriyadii loo ekaysiiyay Jannada gaalshire ama jeel ayuu ka joogaa Mudane Madaxwayne dunidu waataas.

waxaan kusoo gunaayadayaa Allaah swc waxaan kuu waydiinayaa inuu kuu sahlo xilka wayn ee aad qaaday kaanadhigo kuwa fasalka Nabi Maxammed casharka ka qaata.  Amiin Amiin Amiin

Mahadsanid

Jaabir Xuseen Gacayte

Geedka Dhamasa Hoostiisa

Facebook: Jaber Gaeyte



  More Related News »

  • Puntland asaaskeedii iyo dhabar jabkii reer Bari! (Maqaal)

  • Wacyiga hadda ka jira Puntland iyo Dimuqraadiyada la doonayo sidee isu waafaqayaan?

  • Cade iyo Cabdullaahi Muddo Kororsi Laga Diiday Miyaa Cabdi-raxmaanow Lagaa Yeelaa ? [Faallo]

  • BARASHADA WADANIYADDA IYO MADANINIMADA

  •  
      ENGLISH NEWS
    Saracen trained forces surround the home of former Somali Prime Minister in Bosaso
    November 01, 2012 at 9:21 am
    Obama and Romney Bristle From Start Over Foreign Policy
    October 23, 2012 at 10:06 am
    Moving Towards a Multi-party System in Puntland
    October 18, 2012 at 5:27 pm
    Puntland authorities close down radio and website
    October 10, 2012 at 10:44 am
    Somalia: Puntland Welcomes New Prime Minister-Nominee
    October 09, 2012 at 12:52 pm
    Somalia: Puntland Anti-Piracy Force Making Progress
    October 09, 2012 at 9:04 am

      SUBSCRIBE BY EMAIL
    Sign up to recieve our newsletter on your email.



      Find us on Facebook





      HAMBALYO
    HAMBALYO DHALASHO: Garaad Siciid Axmed Ciise & Murwo Amaal Khada Cali oo wiil ugu dhashay Dubai.
    September 19, 2012 at 4:05 pm
    HAMABLYO AROOS BOQORKA Axmed Cabduqadir Nuur Gurxan & BOQORADA: Sacdiyo Cabdisalan Aadam maxamed oo ku aqal galay QARDHO
    September 15, 2012 at 3:14 pm
    Tahniyad Aroos: wada noolaadoo nabad ku waara Caruus: C/risaaq Cismaan Bulqaas & Muwadiisa: Hinda Siciid maxamed
    September 02, 2012 at 7:34 pm
    Tahniyad Aroos - Sweden
    September 01, 2012 at 6:52 pm
    Hanbalyo Dhalasho
    September 01, 2012 at 3:47 am
    ''Tahniyad Meher''
    August 30, 2012 at 12:43 pm
    No News found in this section ..... !
      TACSI

     

    Faceboook Facebook   Like Our Page

    Faceboook Twitter   Follow us!

    Faceboook Email   Contact us