Sida
ay Laasqoray Media ka ogaatay saraakiil ka ag dhow dhow Madaxweynaha cusub ee
Soomaaliya H.E Xasan Sh. Maxamuud oo maalmahan ku jiray wadatashiyo la xiriira
shakhsigii uu u magcaabi lahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu danbayn
gaaray goaan rasmi ah.
Sida ay LM ogaatay Madaxaweynuhu wuxuu goaansaday inuu
Raysal wasaare u magcaabo Cabdiweli
Maxamed Cali (Gaas) oo horay
u ahaa Raysal wasaaraha Dowladii Madaxweyne Shiriif ee wakhtigeedu dhacay.
Go’aanka
Madaxweynaha ayaa 3 arrimood sabab looga dhigay kuwaas oo kala ah:-
Musharax
Gaas oo tanaasulay (Sababta koowaad).
Markii
loo gudbi lahaa wareegii labaad ee doorashadda Dr. Gaas oo ka mid ahaa 4-tii
musharax ee ugu codadka badnaa wuxuu u tanaasulay Musharax Xasan Sh. Maxamuud
oo loolan adag kula jiray Madaxweynihii hore isagoo siiyey 30 cod.
In kasta
oo Musharaxiinta lagu amray in aysan dhihin musharax hebel baan u tanaasulnay
hadana Dr. Gaas wuxuu si dadban u cadeeyey inuu u tanaasulay Musharax Xasan
isagoo yiri:-
"Maanta waxaan guraneenaa miriihii ay ka soo shaqaysay
Xukuumadii Badbaado Qaran waan ku farasanahay in aan maanta Dalkii gaarsiinay
meel fiican waxaana u rajaynayaa in madaxda la dooran doonaa ay gaarsiin
doonaan meesha ku haboon Anigu waan tanaasulay waxaana u tanaasulay Isbedelka
Xildhibanadana waxaan ka codsan inay u hiiliyaan isbedelka" Ayuu yiri
Gaas.
Waxqabadkii
Xukuumadii Badbaado Qaran (Sababta labaad).
Raysal wasaare Gaas wuxuu hayey xilka Raysal
wasaarenimo mudo dhan 1 sano & 2 bilood mudadaas Xukuumadii uu soo dhisay
ee Badbaado Qaran waxay Dalka gaarsiisay horumar balaaran iyadoo maamulkii
Dowladda ku fidisay Gobolo badan oo ay ka xoraysay Kooxda Al- Shabaab.
Xukuumadu waxay dadaal u gashay sidii loo afjari lahaa
wakhtiga ku meel gaar ah Isla markaana loo meel marin lahaa Qorshihii Ro’ad map
doorashooyinkuna u dhici lahaayeen wakhtigoodii.
Taageeradda Kenya (sababta sadexaad).
Dowladda Kenya oo saxiib dhow la ah Raysal wasaare Gaas
waxay olole ugu jirtaa sidii mar labaad loogu magcaabi lahaa Raysal wasaaraha
Soomaaliya iyadoo horay u taageersanayd ololihiisa doorashadda Madaxtinimada.
Maalinimadii shalay waxaa soo booqday Magaaladda
Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Moses
Wetangula socdaalkaas oo sida la aaminsan yahay taageero loogu doonayey
Dr. Gaas.
Sababahaasi waxay saamayn weyn ku
leeyihiin go’aanka Madaxweynaha sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha aan xogtan
ka soo xiganay.
Ku Dhawaaqida Raysal wasaaraha cusub.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi doono Raysal
wasaaraha cusub kadib marka uu la wareego Xarunta Madaxtooyada si rasmi ahna
loogu caleemo saaro jagada Madaxweynaha maalinimada Axada ah.
Fadlan Ilaali xuquuqda warkan.
Laasqoray MediaNews Desk