Kulan lagu taageerayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ooo Dubai ka dhacay (Warbixin + Sawiro).   |   Tahniyad Meher Deqa Cisman Cali Guul iyo Abdi Rashiid Cumar Sahal   |   Tirakoobka Puntland & Dulmiga lagu wado reer Maakhir (Maqaal)   |   Xukuumada Puntland oo ku amartay Gen. Samatar inuusan wax Tikniko ah ku dhex wadan karin Bosaso (Akhri Wareegto).   |   Xusuuso Taariikhda: Bilowgii Hawlgalkii ‘Rajo Soo Celinta Soomaaliya’ Iyo Dhammaadkiisii (1993-1994)   |   Dastuurka Cusub ee Masar oo 15 December Afti loo Qaadayo   |   U Coday Cayaaryahanka Afrika ee BBC ee 2012 uga coday Laasqoray Media   |   Tirinta codadka doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Somaliland oo weli socota.   |   Madaxweynaha Puntland oo maanta booqday Dekeda Boosaaso.   |   Mudane Madaxweyne Mahadsanid (Jawaab celin Hawlgalkii Xukuumadda Puntland ee Gobolada Sanaag & Hayland).   |  

Munaasabad Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub Ee Jamhuuriyadda Oo Ka Dhacday Khartoum”SAWIRRO”


by Xigasho Radio Muqdisho / on September 14, 2012 at 1:31 pm

Munaasabad ballaaran oo si heersare ah loo soo agaasimay isla markaana ay iska kaashadeen qabanqaabadeeda Jaaliyada Soomaaliyeed iyo Ururka Ardayda laguna soo dhaweynayey doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa Xalay ka dhacday Hoolka Shirarka Caalamiga ah ee Jaamacada Africa ee Magaalada Khartoum.

Munaasabadan oo ay kasoo qeybgaleen Masuuliyiin ka kala socday Safaarada Jabuuti , Xisbiga talada haya ee Dalkan Sudan , Mas’uuliyiin ka socotay Ururka Nabada iyo Horumarka ee uu madaxa ka yahay Madaxweynaha hadda la doortay ee dalka , Masuuliyiinta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalkan Sudan iyo kumanaan arday ah ayaa kasoo qeybgalay xafladan .

Qunsulka Jabuuti ufadhiya Magaalada Khartoum Mudane Cali Ceelaabe Obsiye  oo Xafladan hadal kooban ka jeediyey ayaa umada Soomaaliyeed ugu Hambalyey talaabta horumarka leh ee ay qaadeen isagoo sheegay in wax lagu farxo ay tahay in doorasho dalka gudihiisa ay ka dhacdo isla markaana si Dimuqraadi ah loo soo doorto madaxweyne dalka ka saara kmg ah , waxa uuna ka codsaday Madaxweynaha cusub in uu ka shaqeeyo sidii uu u mideyn lahaa umadda Soomaaliyeed isla markaana uu wax uga qaban lahaa amniga una soo celin lahaa kala danbeynta.

Waxa uu Qunsulka sheegay in Dowlada Jabuuti marwalba ay walaalahooda Soomaaliyeed la garab taagantahay, isagoo tilmaamay in dawlada jabuuti ay si buuxda ula shaqeyn doonto madaxda cusub ee dalka.

Agaasimaha xarunta Aafaaq ee Warbaahinta Saalax Sheekh Ibraahiim (Dhiblaawe) oo ka mid ahaa dadkii ugu cadcadaa ee Munaasabada ka hadlay ayaa hambalyo ka dib tilmaamay in Madaxweynaha cusub looga fadhiyo sidii uu usoo dhisi lahaa xukuumad waxtar leh oo dalka kasaarta marxalada iminka uu ku jiro isagoo xusay inuu hubo in madaxweynaha uu  wax badan ka qaban karo xaalada dalka haatan uu ku suganyahay  .

Waxa uuna Madaxweynaha usoo jeediyey dhowr talo oo ay ugu horeeyaan soo dhisida Xukuumad tayo leh oo kooban uuna u tayeeyo ciidamada qalabka sida sii Soomaaliya ay dib ugu soo ceshato heybadeeda amaanka dalkana gacanta loogu dhigo.

Dr Aadan Azhari oo ka mid ahaa Masuuliyiinta wax kasoo abaabushay xafladaan ayaa goobta ka hadlay waxa uuna sheegay in Madaxweynaha uu si fiican ugaranayo hubana inuu yahay shaqsi ku haboon Masuuliyada loo doortay kana soo bixi kara , waxa uuna kula dardaarmay waxa ugu horeeya ee xukuumada uu soo dhisi doono ay qabanayso in ay noqoto sugida amniga iyo soo celinta nidaaamka iyo kala danbeynta.

Xafladaan Xalay ka dhacday magaalada tan Khartoum ayaa ahayd mid  si heersare ah loosoo agaasimay waxa ayna kusoo gabagabawday jawi heersare ah .



  More Related News »

  • Tahniyad Meher Deqa Cisman Cali Guul iyo Abdi Rashiid Cumar Sahal

  • Tirakoobka Puntland & Dulmiga lagu wado reer Maakhir (Maqaal)

  • Xukuumada Puntland oo ku amartay Gen. Samatar inuusan wax Tikniko ah ku dhex wadan karin Bosaso (Akhri Wareegto).

  • Xusuuso Taariikhda: Bilowgii Hawlgalkii ‘Rajo Soo Celinta Soomaaliya’ Iyo Dhammaadkiisii (1993-1994)

  •  
      ENGLISH NEWS
    Saracen trained forces surround the home of former Somali Prime Minister in Bosaso
    November 01, 2012 at 9:21 am
    Obama and Romney Bristle From Start Over Foreign Policy
    October 23, 2012 at 10:06 am
    Moving Towards a Multi-party System in Puntland
    October 18, 2012 at 5:27 pm
    Puntland authorities close down radio and website
    October 10, 2012 at 10:44 am
    Somalia: Puntland Welcomes New Prime Minister-Nominee
    October 09, 2012 at 12:52 pm
    Somalia: Puntland Anti-Piracy Force Making Progress
    October 09, 2012 at 9:04 am

      SUBSCRIBE BY EMAIL
    Sign up to recieve our newsletter on your email.



      Find us on Facebook





      HAMBALYO
    HAMBALYO DHALASHO: Garaad Siciid Axmed Ciise & Murwo Amaal Khada Cali oo wiil ugu dhashay Dubai.
    September 19, 2012 at 4:05 pm
    HAMABLYO AROOS BOQORKA Axmed Cabduqadir Nuur Gurxan & BOQORADA: Sacdiyo Cabdisalan Aadam maxamed oo ku aqal galay QARDHO
    September 15, 2012 at 3:14 pm
    Tahniyad Aroos: wada noolaadoo nabad ku waara Caruus: C/risaaq Cismaan Bulqaas & Muwadiisa: Hinda Siciid maxamed
    September 02, 2012 at 7:34 pm
    Tahniyad Aroos - Sweden
    September 01, 2012 at 6:52 pm
    Hanbalyo Dhalasho
    September 01, 2012 at 3:47 am
    ''Tahniyad Meher''
    August 30, 2012 at 12:43 pm
    No News found in this section ..... !
      TACSI

     

    Faceboook Facebook   Like Our Page

    Faceboook Twitter   Follow us!

    Faceboook Email   Contact us