Warsaxaafadeed
ka soo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa si kulul loogu beeniyey
Warbixin uu Telefishanka ABC ka diyaariyey Ciidamadda Bada Puntland kuwaas oo
uu ku tilmaamay kuwo si gaar ah loo leeyahay.
Dowladdu waxay ku sheegtay Warsaxaafadeedkaas in Ciidamadda Bada
Puntland yihiin kuwo ka tirsan laamaha Amaanka Puntland ujeedka loo sameeyeyna
ay ahayd inay la dagaalamaan Burcad badeeda ka qawlaysata xeebaha Puntland.
Si gaar ah Warsaxaafadeedkaas waxaa loogu canbaareeyey xiriiriyihii hore ee Qarmada Midoobey u qaabilsanaa
kooxda dabagalka cunaqabadeynta hubka ee dalalka Somalia iyo Eriteria Mr. Matt
Bryde oo ay Dowladdu ku eedaysay inuu warbixin been abuur ah horay ugu
gudbiyey Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay.
Dowladdu
waxay ka codsatay Warbaahinta Caalamiga ah inay u shaqeeyaan si hufan aysana
jaah wareerin ku abuurin bulshada.
Warbixinta
ABC –tv.
Telefishonka ABC ee laga leeyahay dalka Australia ayaa
shaaciyey warbixin dheer oo uu ka diyaariyey mid kamid ah Mulkiilayaasha
shirkada Saracen ee tababarada siisa ciidamada Bada ee Puntland oo la sheegay
inuu horey danbiyo dagaal oo ay ku jiraan Weeraro bambaano iyo Dilal Qorsheysan
uga soo galay dalalka Koonfur Afrika iyo Papua New Guinea
Guddiga Qaramada Midoobay u saartay dalka Soomaaliya inay soo
baaraan kooxaha Jabiya cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, ayaa ka
codsaday Dowlada Australia inay tilaabo sharci ka qaado Mulkiila Shirkada
Saracen ee tababarada siisa ciidamada bada ee Puntland.
Kooxda Monitoring Group ayaa sheegay in Saracen ay tahay shirkada
kaliya ee sida tooska ah u jabisa cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Telefishonka laga leeyahay dalka Australia ee ABC (Barnaamijkiisa
7.30) ayaa warbixin uu shaaciyey 6 Sep, 2012 ku soo qaatay Mulkiilaha shirkada
Sarancen oo asal ahaan kasoo jeeda dalka koonfur Afrika balse dhawaan qaatay
jinsiyada dalka Australia.
Mr. Lafras
Luitingh ayaa la sheegay inuu horey uga mid ahaan jiray Ciidamadii Xukuumadii
cunsuriga ahayd ee (Apartheid) ee dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana warbixinta
Telefishonka lagu sheegay in uu Mr. Lafras Luitingh uu shaqsiyan kamid ahaa
kooxihii shirqoolada dilalka la beegsan jiray siyaasiyiintii kamid ahaa dhaq
dhaqaaqii xoriyad doonka dalkaasi Koonfur Afrika.
Mr.Luitingh ayaa kamid ahaa saraakiisha sare ee Ciidamada
Kamaandooska xukuumadii Apartheidka oo lagu magacaabi jiray Civil Cooperation Bureau (CCB).
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ahaan jireen kuwii fulin jiray weeraro bambaano
iyo dilalka qarsoon ee xukuumadii cadaanka ee Koonfur Afrika la beegsan jirtay
dhaq dhaqaaqii xoriyad doonka.
Laasqoray
Media
News Desk
Halkan hoose
ka Daawo Video Warbixinta ABC-tv.