Kulan lagu taageerayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi ooo Dubai ka dhacay (Warbixin + Sawiro).   |   Tahniyad Meher Deqa Cisman Cali Guul iyo Abdi Rashiid Cumar Sahal   |   Tirakoobka Puntland & Dulmiga lagu wado reer Maakhir (Maqaal)   |   Xukuumada Puntland oo ku amartay Gen. Samatar inuusan wax Tikniko ah ku dhex wadan karin Bosaso (Akhri Wareegto).   |   Xusuuso Taariikhda: Bilowgii Hawlgalkii ‘Rajo Soo Celinta Soomaaliya’ Iyo Dhammaadkiisii (1993-1994)   |   Dastuurka Cusub ee Masar oo 15 December Afti loo Qaadayo   |   U Coday Cayaaryahanka Afrika ee BBC ee 2012 uga coday Laasqoray Media   |   Tirinta codadka doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Somaliland oo weli socota.   |   Madaxweynaha Puntland oo maanta booqday Dekeda Boosaaso.   |   Mudane Madaxweyne Mahadsanid (Jawaab celin Hawlgalkii Xukuumadda Puntland ee Gobolada Sanaag & Hayland).   |  

Madaxwaynihii hore ee DFKG Sheekh shariif oo Maanta ku wareejiyey Madaxwaynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud Aqalka madaxtooyadda, Shaqaalihii, iyo Hanti qaran oo Dahab u badan.


by Laasqoray Media / on September 13, 2012 at 4:45 pm

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxweynihii DKMG ahayd Mudane Shariif Sheekh Axmed kala wareegay Madaxtooyada Qaranka iyo hadiyado markii hore Madaxweyne Shariif si gaar ah loogusoo hadiyadeeyey kuwaasi oo dahab u badan.

Ugu horeyn Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagusoo wareejiyey qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Madaxtooyada Qaranka ayadoo Madaxweynahana uu mid mid u bartay dhammaanba shaqaalaha ka shaqeeya xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Madaxweynihii dowladii KMGka aheyd waxaana dhammaanba uu la wareegay dikomentiyadii yaalay Xafiiska iyo hadiyaddo uu Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed horey u gudoonsiiyeen madaxda dalalka caalamka ee Soomaaliya saaxiibada la ah kuwaasi oo maanta uu la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadiyadaha uu maanta ku wareejiyey Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda ee la doortay ayaa waxaa ka mid ahaa:- Seef Dahab ah, saacad dahab ah,dhismaha cusub ee Midowga Afrika iyo dhismihii hore ee Midowga Afrika oo dahab ah, dhismaha kacbada oo dahab ah iyo hadiyaddo kale kuwaasi oo madaxweynihii hore ay Madaxda caalamka horey usoo gudoonsiiyeen.

Markii uu kormeerkii uu kormeerayey Madaxtooyada Qaranka uusoo gebagebeeyey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kulan la qaatay dhammaanba shaqaalaha Madaxtooyada oo markii uu kormeerka ku guda jiray mid mid usoo gacan qaaday.

Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey kulanka uu Madaxweynaha cusub la qaatay shaqaalaha xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxa uu shaqaalaha uga mahad celiyey sidii ay ulasoo shaqeeyeen waxaana uu ka codsaday iney sidii ay ulasoo shaqeeyeen iyo si ka wanaagsan ula shaqeeyaan Madaxweynaha hada la doortay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey sidii ay ugusoo dhabar adeygeen xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray gaar ahaan marxaladihii amni darro ee ka jira Muqdisho intii aan laga xoreyn Maleeshiyada Al-Qaeda.

“Shalay waxaad u shaqeyn Dowladda Soomaaliya oo waxaad aheydeen shaqaale dowladeed, hadana waad tihiin,waadna ahaan doontaan,hadii ay qaarkiin ku fekereen inaan shaqaale cusub keensanayo majirto taasi oo idinka ayaa shaqaalaha Dowladda ah xaqna u leh maadaama aad xaalado kala duwan kusoo sabarteen” ayuu fariin ahaan ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarmay shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka iney halkoodii kasii wadaan shaqadooda islamarkaana ay laba jibaaraan.

Munaasabadda xil wareejinta rasmiga ah ee uu xilka kula wareegayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo asteeyey iney magaalada ka dhacdo 16ka bishan September oo ah maalinnimada Axadda ee soo socota.



  More Related News »

  • Tahniyad Meher Deqa Cisman Cali Guul iyo Abdi Rashiid Cumar Sahal

  • Tirakoobka Puntland & Dulmiga lagu wado reer Maakhir (Maqaal)

  • Xukuumada Puntland oo ku amartay Gen. Samatar inuusan wax Tikniko ah ku dhex wadan karin Bosaso (Akhri Wareegto).

  • Xusuuso Taariikhda: Bilowgii Hawlgalkii ‘Rajo Soo Celinta Soomaaliya’ Iyo Dhammaadkiisii (1993-1994)

  •  
      ENGLISH NEWS
    Saracen trained forces surround the home of former Somali Prime Minister in Bosaso
    November 01, 2012 at 9:21 am
    Obama and Romney Bristle From Start Over Foreign Policy
    October 23, 2012 at 10:06 am
    Moving Towards a Multi-party System in Puntland
    October 18, 2012 at 5:27 pm
    Puntland authorities close down radio and website
    October 10, 2012 at 10:44 am
    Somalia: Puntland Welcomes New Prime Minister-Nominee
    October 09, 2012 at 12:52 pm
    Somalia: Puntland Anti-Piracy Force Making Progress
    October 09, 2012 at 9:04 am

      SUBSCRIBE BY EMAIL
    Sign up to recieve our newsletter on your email.



      Find us on Facebook





      HAMBALYO
    HAMBALYO DHALASHO: Garaad Siciid Axmed Ciise & Murwo Amaal Khada Cali oo wiil ugu dhashay Dubai.
    September 19, 2012 at 4:05 pm
    HAMABLYO AROOS BOQORKA Axmed Cabduqadir Nuur Gurxan & BOQORADA: Sacdiyo Cabdisalan Aadam maxamed oo ku aqal galay QARDHO
    September 15, 2012 at 3:14 pm
    Tahniyad Aroos: wada noolaadoo nabad ku waara Caruus: C/risaaq Cismaan Bulqaas & Muwadiisa: Hinda Siciid maxamed
    September 02, 2012 at 7:34 pm
    Tahniyad Aroos - Sweden
    September 01, 2012 at 6:52 pm
    Hanbalyo Dhalasho
    September 01, 2012 at 3:47 am
    ''Tahniyad Meher''
    August 30, 2012 at 12:43 pm
    No News found in this section ..... !
      TACSI

     

    Faceboook Facebook   Like Our Page

    Faceboook Twitter   Follow us!

    Faceboook Email   Contact us