Sida aan wada ogsoonahay waxaa labilaabaya dhowaan Tirakoobkii dadka kunool Puntland
Maalmahan waxaa GAROWE kasocda tababaro loogu talagalay in lagu tababaro dad kasocda dhamaan Gobolada Puntland , (Population survey estimate)
Waxaana wada wasaaradda Qorshaynata waxaan la fulinaysa Hayada UNFPA, waxaa loogu talagay dad tiradoodu dhantahay 140 qof oo si siman looga soo xulo dhaman puntland laguna saleeyey shantii Gobol SANAAG ,BARI, NUGAAL, SOOL, MUDUG.
Lakiin waxaa soobaxday in Wasaarada Qorshayntu u maamushay arintaas si khaldan oo loogu gefay Gobolka sanaag, 140 ki qof wuxuu ka helay 8 Qof oo keliya, isaga oo xaq u lahaa 28 Qof in uu helo.
Maamulka Gobolka sanaag isaga oo aan ka fiirsan maqaan sida ay ka noqotay ayuu wuxuu sideed qof u magcabay in ay tababarkaas ka qaybgalan iyaka oo xaq u leh in ku darsadan 28 Qof .
Population survey estimate: waa survey sii soconaya hada waxa laqabanaya wa wejigii kowaad waxana loogu talagalay in lagu tababaro dadka loo talagalay in ay soo tira koobaan dadwaynaha ku dhaqan guud ahaan Puntland.
Waxaan codsanaynaa in maamulku baraarugaan oo arintan si qote dheer dib ugu fiiriyaan khaladkaasna ku saxaan maxaa yeelay hadii hada sidaas lagu socodsiiyo , midka soosocda ma sixi karno.
Waxaaa nasiib daro ah hadiiba Sideeda qof si cadaalad ah lagu qaybiyey oo la tix geliyey dadka wada dega gobolka SANAAG ee xaruntiisu tahay Baran , loona qaybshay sidan
6 Qof, BARAN,
1 Qof, Tuulada FIQIFULIYE , oo Degmo ku magcaban
1 Qof, Tuulada LAASA SURAD
Hadab su’aashu waxay tahay Maxaa diiday in aan Gobolka Bari wax ka helin marka sidan wax loo qaybsanaayo?????
Hadii sidan aan aqbalno madhici doontaa marka Tirakoobka la bilaabo in natiijada kazoo baxdaa noqon karto KARKAAR waxaa ku nool 500 kun oo Qof , SANAAG waxaa ku nool 100kun oo Qof waa wax suura gal ah waa hadii qaabka wax u socdaan aan laga jawaabin
QORE , Xasan Xuseen Faarax, Oslo [...]